Aqoonyahannada Soomaaliyeed qaarkood ayaa ugu baaqay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iney doortaan shaqsi karti u leh isbedal buuxda oo la sameeyo iyo iney socoto howlaha shaqo ee golaha.
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in 11-ka musharrax ee u taagan xilka guddoomiyaha aanay dhammaantood wada guuleysaneyn, balse looga baahan yahay xildhibaannada in shaqsigii dalkan wax u qaban lahaa ka dhex xushaan musharraxiintan.
Waxa uu tilmaamay Aqoonyahankan sidoo kale in xildhibaannada waajib ka saaran yahay cidda ay dalka iyo dadka u doorayaan.




From the comments