Maamullada degmooyinka Cadaado iyo Buuhoodle ayaa sheegay iney iska kaashan doonaan ka shaqeynta amniga iyo sidoo kale dhanka horumarka.
Guddoomiyaha Buuhoodle Saleebaan Aadan Cilmi oo maalmahan dambe ku sugan degmada Cadaado ayaa kulamo la qaatay maamulka degmadan oo ay ka wada hadleen arrimo badan.
C/raxmaan C/laahi Tootoole ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan guddoomiyahan cusub, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa Labadan degmo.




From the comments