Booliska Nigeria ayaa sheegay in ay dhinteen ku dhowaad 24 qof intii ay socdeen labo qarax oo lala beegsaday Masjid ku yaallo gobolka Adamawa ee waqooyi bari dalka.
Cusmaan Akbar oo ah afhayeenka Booliska ayaa u sheegay wakaaladda anadolu in nin miideysan uu gudaha u soo galay Masjidka uuna qarxiyey jaakad miineysan uu watay iyada oo salaadda lagu jiro.
Waxaa uu intaas ku daray in nin kale uu isna isku qarxiyey banaanka Masjidka ka dib markii uu dhacay kii koowaad.




From the comments