Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa 24-ki saac ee lasoo dhaafay ka da’ay roob saameeyay dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaaladaasi.
Wariyaheenna Cali Cayn ayaa gaaray kaamamka barakacayaasha Gaalkacyo qaarkood, wuxuuna soo xog wareystay dadkii halkaasi ku dhaqnaa.
Dadkan ayaa waxay sheegeen in biyaha roobka usoo galay guryahoodii ka sameysnaa cooshada iyo bacaha la is dulsaaray, islamarkaana hadda aanay jirin meel ay roobka ka galaan.




From the comments