U astaynta maalinta saxaafada adduunka, Ergyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka suxufiyiinta dalka.
“Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar,” ayuu yiri Keating. “Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ka ah dhammaan bulshooyinka dimoqraadiga ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo,” ayuu yiri. “Qeyb muhiim u ah saxafada si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa dhaqanka ciqaab la’aanta , Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan.”
Xuska Sannadkan ah ee maalintan waxa hal-ku-dhig u ah ‘Isu dheelitirka awooda: Warbaahinta, Caddaaladda iyo kala danbaynta Sharci.’ hal-ku-dhigani wuxuu si gaar ah ula xiriira Soomaaliya: sida laga soo xigtay guddiga fadhigoodu yahay New York ee Ilaalada Saxafiyiinta (CPJ), qofna looma hor keenin caddaalada dilka 26 saxafi muddo toban sano ah, iyo sannadkii saddexaad oo isku xiga oo Soomaaliya la siiyay rikoodhkii ugu xumaa ee dunida ee xalin la’aanta dilalka suxufiyiinta sida ku cad tusmada dadka dambiyada gala ee ciqaabta ka baxsada ee warbixinta gudida ilaalada saxafiyiinta (CPJ) ee 2017.




From the comments