Beeraleyda deegaano u dhaxeeya degooyinka Saakow iyo Baardheere ayaa sheegay in khasaaro xoogan ay kala kulmeen Fatahaada webiga Juba.
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaano u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Saakow ee Gobolada Gedo iyo Jubadda Dhexe in khasaaro xooggan ay ka soo gaartey dad ka badan ilaa Boqol qoys oo beeraley ah kuwaa oo nololshooda ay saameyn ku yeelatey Fatahaad maalmahii la soo dhaafey webiga Jubba uu ka geystay deegaano ka tirsan degmooyinkaasi.
Roob ka da’ay Goboladaasi ayaa sabab u noqday in uu Wabiga Fatahaad sameeyo, waxaana uu saameeyay dalagyo dhul beereed ah iyo Matooro loo isticmaalo Waraabka Beeraha ilaa iyo haddana waxaa la’ la yahay ku dhowaad ilaa 73 matoor, Inkastoo ilaa hada aanan la soo sheegin Khasaare nafeed oo ka dhashay fatahaadda Wabiga uu geystay, hadana Khasaaraha ugu badan waxaa lasoo sheegayaa in uu u geystay Dhulka Beeraha iyo Matooradii Waraabka loo isticmaalaayay.




From the comments