Goobjoog

Aqalka Sare Oo $50,000 doolar Ugu Deeqay Arrimaha Fatahaadda

Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kulankoodii 9-aad ayaa warbixin waxay ka dhageysteen guddiga gurmadka u xilsaaran Aqalka sare Fatahaadda wabiga Shabell. Ka dib markii Golaha Aqalka sare ay warbixinta…

Aqalka Sare Oo $50,000 doolar Ugu Deeqay Arrimaha Fatahaadda

Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kulankoodii 9-aad ayaa warbixin waxay ka dhageysteen guddiga gurmadka u xilsaaran Aqalka sare Fatahaadda wabiga Shabell.

Ka dib markii Golaha Aqalka sare ay warbixinta ka dhegeysteen guddiga Aqalka sare u xilsaaran arrimaha Fatahaadda, waxay sheegeen in la cag dhan $50,000 oo doolar uu Aqalka sare ugu yaboohay dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.

Golaha Aqalka Sare ayaa Magacaabay guddi Isbuucii hore,kaas oo ka koobnaa 7 xubnood oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare si kaalin looga geeysto gurmadka loo fidinaayo dadka uu saameeyay Fatahaadda wabiga.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments