Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey xaaladda amni ee degmadaasi.
Guddoomiyaha Marka Xasan Cumar oo nagu soo booqday xarunta dhexe ee Goobjoog ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dedaal badan bixiyeen, balse aanay jirin ciidan kale oo dowladda, gaar ahaan Booliiska oo halkaasi ku sugan.
Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in amniga Marka ay gacan ka siiyaan ciidamada AMISOM, balse meelaha qaar ay Al-shabaab soo galaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments