Dadka naafada ah ee ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle, islamarkaana gaaray deegaanka Ceeljaalle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in si sax ah aan loo qeybin gurmad dhowaan lageeyey deegaankaasi.
Qaar ka mid ah naafadan ayaa Goobjoog News u sheegay iney ahaayeen mudnaanta Koowaad in la siiyo dadka naafada ah, balse la dhinac maray waa sida ay hadalka u dhigeenne.
Waxay tilmaameen dadkan in ay u baahan yihiin gurmad kala duwan sida raashiin, biyo, guryo iyo dawo.




From the comments