Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in boqolaal qoys ay isaga barakaceen degmadaasi, kadib markii halkaasi ay ka da’een roobab mahiigaan ah.
Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi, Sahal Macallin Aadan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in roobkaan uu kasoo rogmaday daad xooggan, islamarkaana ay keentay in dad badan ay xaafadahooda ka barakacaan.
Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in xaafadaha qaar ee degmadaasi aanay u adkeysan karin roobabka, islamarkaana sidoo kale ay sare u kaceen maciishaddii kala duwaneyd ee degmada laga iibisan jiray.




From the comments