Sida qorshaha uu yahay, maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in magaalooyinka B/weyne oo Hiiraan ah iyo Baardheere oo Gedo ah ay gaaraan xubno ka socda guddiga gurmadka qaran ee fatahaadaha Wabiyaha dalka.
Xubnaha aadaya dhanka Baardheere ayaa soo qiimeyn doona sida qorshaha yahay khasaaraha uu geystay Wabiga Jubba oo ku fatahay degmadaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.
Sidoo kale Xubnaha aadaya B/weyne ayaa sii qaadi doona gurmad loogu talogalay dadka ka barakacay fataahadda Wabiga Shabelle.




From the comments