Beeraleyda Puntland ayaa ka cabanaya wasaaradda beeraha ee maamulkaasi iyo hay’ado ka shaqeeya arrimaha beeraha taasi oo ku saabsan in dalagyo tijaabo ah la beero. Guddoomiyaha beeraleyda Puntland C/casiis Garaad…
Published May 7, 2018
Akhris 1 daqiiqo ah
Beeraleyda Puntland ayaa ka cabanaya wasaaradda beeraha ee maamulkaasi iyo hay’ado ka shaqeeya arrimaha beeraha taasi oo ku saabsan in dalagyo tijaabo ah la beero.
Guddoomiyaha beeraleyda Puntland C/casiis Garaad ayaa sheegay in qarasha badan uu ku baxayo beerista dalagyadan, islamarkaana aanay wax faa’ido ah keeneyn.
Wuxuu sheegay C/casiis in muhiim ay tahay in la garab qabto beeraleyda oo hadda si wanaagsan u shaqeeya.
“Tijaabada iyo tan annaga aan wadno oo ah waxqabad dhab ah isma lahan, wasaaradda waxay gabtay in beeraleyda u keento wax dhab ah oo la beerto” ayuu yiri C/casiis.
Ugu dambeyn, guddoomiye Garaad ayaa ku baaqay in aan la niyad jibin beeraleydooda, islamarkaana laga shaqeeyo oo kaliya sidii loo horumarin lahaa, loona maalgelin lahaa.
From the comments