Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir caalami ah oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa adeegsiga iyo ka ganacsiga dhuxusha iyada oo laga cabsi qabo in jarista geedaha iyo iibka dhuxusha ay keento cimillada oo xumaata iyo maalgelinta argigixisada.
Shirkan oo labo maalin socon-doonna, waxaa ka qeyb-galaayo dowladda federaalka ah iyo hey’ado caalami ah, waxaana la raadinayaa in jawaab loo helo ka ganacsiga sharci-darrada ee dhuxusha.
Sida ay sheegeyso hey’adda cuntada adduunka FAO illa 8.2 million oo geed oo dhuxul ah ayaa laga jaray Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 iyo2017, muddada 7-badaas sano ah halkii ilbiriqsi oo kasta waxaa la jaraayey hal geed.




From the comments