Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah, isla markaana ka mid ahaa dadkii wax ka ogaa bilow ilaa dhammaad heshiiska 6da markab ee ay dowladda federaalka ah la gashay shirkadda AMOSC, isla markaana magaciisa qariyay ayaa Goobjoog News u sheegay in heshiiskaas uu jiro, loona galay baahi jirtay, welina jirta isaga oo intaasi raaciyay in heshiiska muhiim u yahay in ay ciidamada badda helaan maraakiib, tababar iyo aqoon ay ku ilaaliyaan baddeena.
Qoraallo cusub oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku cad in wasaaradda gashaandhigga ay casuumaad u dirtay shirkadda AMOSC June 9, 2016 si saraakiisheeda Muqdisho u yimaadaan, oo wadatashiyo u sameeyaan, laakin kulankan ma dhicin.
Dhinaca kale, Kulan ay wasaaradda gashaandhigga la qaateen June 13, 2016 guddi qiimeynta oo ka kooban wasiirka maaliyadda, xubno ka socday xafiiska madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha 9 xubnood oo kale oo ay ku jiraan Bangiga adduunka, IMF iyo Bangiga horumarinta Afrika ayaa laga soo saaray qoraal.




From the comments