Wararka ka imaanaya degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Labo qofay dhinteen kadib maarkii ay koronto ku dhegtay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Labada qof ee dhimatay ahaayeen Dhallinyaro, islamarkaana marayey waddo aan ka fogeyn xarunta degmada Warta Nabadda, hase ahaatee ay lama filaan ugu dhegtay korontadan.
Wiilashan dhintey ayaa da’dooda waxaa lagu sheegay 15 illaa 16 sano jir, waxaana la tilmaamay in Labaduba ay goobta ku dhinteen.




From the comments