Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay weerar fiidnimadii Axadda ay Al-shabaab ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo marayey degmada Dhoobley.
Weerarkan ayaa ahaaa qarax Miino oo dhulka lagu aasay, waxaana ku dhintey dhowr askari oo ciidanka Kenya ah.
Madaxweynaha Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay kaga dhimatay 9 Askari, Labo kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna dhanka kale sheegay ion weerarkan qaraxa ahaa mid gaadmo ah.




From the comments