Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa nabad ugu baaqay beelaha ku dagaallamay deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.
Biixi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalladan soo noqnoqday, isaga oo sheegay in loo baahan yahay nabadda in laga wada shaqeeyo.
Cid walbo oo waxgarad ah ayuu ugu baaqay in kaalin ka qaadato sidii loo damin lahaa colaaddan.




From the comments