Wararka ka imaanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in ay sarukac ku yimid qiimaha Batroolka, oo halka markii hore ahaa 8500 SH Somaliland uu hadda gaaray ilaa 15000 Sh Somaliland.
Wadayaasha gaadiidka ayaa Goobjoog News u sheegay in sarukaca uu saameeyay oo aaney awoodin qiimahan cusub iyaga oo dalab u soo jeediyay xukuumadda.
Darawallada waxaa ay intaasi ku dareen in qiimaha lagu raaco Bajaajta ama Tax aaney waxba ku kordhin Karin, iyaga oo xukuumadda ka dalbaday inay hoos u dhigto qiimaha shidaalka.




From the comments