Goobjoog

Keating Oo Gaaray Garoowe

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe Xarunta Dowlad-goboleedka Puntland. Ambassador Keating ayaa Kulan Al-baabada u xiran waxaa uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland C/weli…

Keating Oo Gaaray Garoowe

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Micheal Keating  ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe Xarunta Dowlad-goboleedka Puntland.

Ambassador Keating ayaa  Kulan Al-baabada u xiran waxaa uu la yeeshay Madaxweynaha  Puntland  C/weli Maxamed Cali Gaas, waxayna ka wadahadaleen xaaladda ka taagan Tukaraq, taasi oo ay ka jiraan xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Keating  iyo Gaas ayaa sidoo kale waxay ka wadahadleen arrimo kale oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada dalka, shirka dib u eegista Dastuurka oo barri ka furmi doona Muqdisho oo u dhaxeeya dowladda iyo dowlad-goboleedyada xubinta ka ah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments