Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha qaran ee dastuurka, iyadoo ay ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, xubno ka socda beesha caalamka, maamul goboleedyada dalka iyo marti kale.
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in shirkaan ay ku jirto dan aad u weyn, islamarkaana muhiim u yahay dalka iyo dadka.
Waxa uu tilmaamay in ay wacan tahay in shir sidan oo kale ah la qabto si la saga wareysto halka ay marayaan howlaha dib u eegista dastuurka, waxa hagaagay iyo halka loo socdo.




From the comments