Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka, halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka amniga qaranka.
Shirkaan ayaa la filayaa in Baydhabo uu ka dhaco 13-ka bishan, waxaana ka qeybgalaya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Wariyaheenna Baydhabo ayaa soo sheegaya in madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay maanta tagi doonaan Baydhabo, kana soo hormari doonaan madaxda dowladda.




From the comments