Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay uu shir uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Shalay (Axad) waxaa magaaladaasi gaaray madaxweynayaasha maamullada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey halkaasi ugu sii sugnaa.
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa inta uu socdo ammaanka guud ee dalka, siyaasadda iyo sidoo kale qeybsiga kheyraadka dalka.




From the comments