Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay dowladda shiinaha kala wareegtay $1.5 Milyan, waxaana lacagtaasi loogu talogalay in wax loogu qabto dadka ay saameyeen fataahadaha dalka ka jira.
Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa lacagtan kala wareegay safiirka dowladda shiinaha u fadhiya Soomaaliya.
Lacagtan ayaa ahayd mid ay horey dowladda Shiinaha u ballanqaadday si loogu gurmado shacabka ku dhibban gobollada dalka qaarkood.





From the comments