Goobjoog

Khamiista Oo La Isku Raacay In Ay Tahay Curashada Bisha Ramadaan

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Barri ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Curashada 1-da bisha Ramadaan Dhanka kale Dowladaha Qatar, Suudaan, Urdun, Kuwait,…

Khamiista Oo La Isku Raacay In Ay Tahay Curashada Bisha Ramadaan

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Barri ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Curashada 1-da bisha Ramadaan

Dhanka kale Dowladaha Qatar, Suudaan, Urdun, Kuwait, Sacuudiga, Falastiin iyo Ciraaq ayaa sheegay in Barri oo Arbaco ah ay tahay dhameystirka bisha Shacbaan, Khamiistana ay tahay maalinta 1-aad ee curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Guddiga Baadi-goobka Bisha ee raacsan Wasaaradda Awqaafta ee Qatar ayaa sheegay in Khamiista ay tahay maalinta 1-aad ee Curashada Bisha Ramadaan.

Sacuudiga, warbaahinta gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in aan la arag bisha, waxayna sheegeen in Barri ay tahay 30-ka Shacbaan, Khamiistana ay tahay Ramadaan.

Kuwait ayaa iyadana dhankeeda sheegtay in Arbacada ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Curashada Ramadaan.

Sidoo kale Suudaan,Urdun,Cumaan iyo Ciraaq waxay sheegeen iyagana in 17 May oo ku beegan Khamiista ay tahay 1-da Ramadaan.

Dhanka yurub Masaajidda waaweyn ee dalka Faransiiska ayaa laga baahiyey in Maalinta Arbacada ay tahay 30-ka Shacbaan Khamiisna ay tahay Ramadaan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments