Maanta oo ay ku beegan tahay 15 May ayaa guud ahaan dalka waxaa looga dabaaldegayaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena ku beegan 75-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Ururkii dhaliyarada gobanimo doonka ee SYL.
Magaalada Muqdisho iyo meello badan oo ka mid ah dalka waxaa si weyn maanta looga xusi doonaa maalintaan qiimaha ku leh umadda Soomaaliyeed.
Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah looga filayaa in magaalada Muqdisho ku qabato munaasabad maalintaan lagu weyneynayo.




From the comments