Goobjoog

Jubbaland: Sarkaal Al-shabaab Horay Uga Soo Baxsaday Oo Dil Geystay, Kuna Laabtay Al-shabaab

Cabdi Yare Xasan oo dhowaan kusoo biiray Jubbaland, kadib markii uu kasoo baxsaday Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay uu dilay askari ka tirsan maamulkaasi isaga oo dib ugu laabtay…

Jubbaland: Sarkaal Al-shabaab Horay Uga Soo Baxsaday Oo Dil Geystay, Kuna Laabtay Al-shabaab

Cabdi Yare Xasan oo dhowaan kusoo biiray Jubbaland, kadib markii uu kasoo baxsaday Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay uu dilay askari ka tirsan maamulkaasi isaga oo dib ugu laabtay ururkii uu markii hore ka yimid ee Al-shabaab.

Cabdi Yare ayaa Febraayo 2018 wuxuu usoo galay Jubbaland, isaga oo la geeyey Kismaayo, balse dib loo siidaayey, kuna biiray laanta socdaalka ee B/xaawo.

Xalay ayuu askari Jubbaland ah wuxuu ka codsaday inuu usoo raaco dhanka magaalada, kadibna waxaa la xaqiijiyey in madaxa uu dhowr xabadood uga dhuftay uuna raacay rag kale oo Al-shabaab ah, kuwaasi oo ku sugayey bannaanka magaalada, wuxuuna horey usii qaatay qorigii uu watay askariga dhintay.

Xaaladda magaalada B/xaawo ayaa aad u kacsan, waxaana maamulka degmada ay haystaan ninkii markii hore soo damiintay Cabdi Yare.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments