Cabdullaahi Warsame Cabdi oo ka tirsan hay’adda UNOCHA ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto Magaalada B/weyn oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle.
Cabdullahi ayaa sheegay in Fatahaadda ka dhacay B/weyn aan horay loo arag middaan oo kale, isaga oo tilmaamay in dadka ay aad ugu baahi qabaan in gargaar degdeg ah lala soo gaaro.
Waxaa uu tilmaamay intii uu joogay B/weyn ay sameeyeen gargaar balse weli dadka waxaa ay u baahanyihiin gargaar kale.




From the comments