Hey’adda lacagta adduunka ee (IMF) ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay lacag soo daabacan karto, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa $41 million oo ah qorshaha wejiga 1aad.
Hey’adda (IMF), waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay 2 imtixaan oo lagu sameeyay bangiga dhexe, loona yaqaano Staff-Monitored Programmes (SMPs) oo lagula socday dhammaan shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowliga ah, waxaa xusid mudan in Muqdisho ay bilowday wada hadal ku aadan wareegga 3aad ee barnaamijkan.
“Soomaaliya waxaa ay u baahantahay taageero iyo deeq lacageed oo gaareysa $41 million, si barnaamijkan u fulo” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay IMF u dirtay bangiga dhexe ee Soomaaliya.




From the comments