Xarun saadaasha hawada oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ka digeysa in saacadaha soo socda ay roobab dabeylo wato ka di’i-doonaan waqooyiga Soomaaliya iyo koonfurta Yemen.
Roobkan oo laga filayo inuu ku dhufto xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Boosaaso iyo magaalooyinka xeebta ah waxaa laga cabsi qabaa in uu dabeylo wato, isla markaana ay dad, guryo iyo hanti wax ku noqdaan.
Roobka la filayo waxaa lagu qiyaasay awooddiisa inta u dhaxeysa 50-100mm, waxaa uuna ku di’i-doonaa xeebaha teedsan Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inuu gaaro ilaa 250mm.




From the comments