Duufaan iyo roobab xoogan ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay xeebaha waqooyiga Soomaaliya, taasi ay ka dhalatay khasaare naf iyo maal leh, sidaasi waxaa soo tabiyay weriyeyaasha Goobjoog News ee Somaliland iyo Puntland.
Deegaannado Somaliland ka tirsan ayaa go’doonsan, tusaale ahaan warar ay heshay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in deegaanka Bulaxaar ee ka tirsan gobolka Saaxil ay roobab duufaan wata ka da’een iyaga oo go’doomiyay tuulada Ceel –Sheikh iyo dadkii deganaa kadib markii biyahii beriga iyo kuwii badda isgaadheen, geesta kale dadka tuulada Ceel-Shekh ee ka tirsan degmada Bulaxaar ayaa wararku sheegayaan Inay dadka masaajid Ku jiraan kadib markii uu Guryahoodii La tegay Roobka Duufaanta.
Dhanka Berbera, hal qof ayaa ku dhintay guri ku dumay magaalada gudaheeda, kadib roobab waaweyn ay halkaasi xalay ka da’een. 900 qof dad ka badan ayaa laga daad gureeyay xaafadihii ay deganaayeen, kuwaas oo hadda la dajiyay dugsiyada waxbarashasa ee magaalada. Roobka ka da’ay Berbera ayaa watay duufaan xoog badan iyadoo dooxyada magaaladu guryo badan galeem.




From the comments