Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay Roobab ka da’ay gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland, roobabkan ayaa waxay wateen sida la shegay dabeylo.
Guddoomiyha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Roobabka ka da’ay Awdal ay ku dhinteen 15 qof.
Dhinaca kale, Lix qof ayaa lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen Roobab Duufaano wata Oo xalay ka da’ay Deegaanada iyo Xeebaha Gobalka Salal Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo wareedyo.




From the comments