Goobjoog

Roob Ka Da’ay Muqdisho Oo Biyo Dhigay Waddooyin Muhiim Ah

Magaalada Muqdisho waxaa saakay illaa xalay saq dhexe ka da’ayay roob si xiriir ah u socday, kaasi oo biyo dhigay waddooyin badan oo magaalada ah. Waxaa la arkayaa biyo badan…

Roob Ka Da’ay Muqdisho Oo Biyo Dhigay Waddooyin Muhiim Ah

Magaalada Muqdisho waxaa saakay illaa xalay saq dhexe ka da’ayay roob si xiriir ah u socday, kaasi oo biyo dhigay waddooyin badan oo magaalada ah.

Waxaa la arkayaa biyo badan oo ay fariisteen xaafado kamid ah X/weyne, Hodon Howlwadaag iyo Waaberi.

Sidoo kale waxay biyo badan fariisteen wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde iyo sidoo kale Isgoyska KM-4.

Roobka da’ay wuxuu saameeyay dadka barakacayaasha ah maadaama guryaha ay degan yihiin aanay celin biyaha.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments