Maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu baco looga gambado roobka u qeybiyey 300 qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo uu saameeyey roobabkii saacadihii lasoo dhaafay da’ay.
Guddoomiyaha deegaankan, C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in gurmadkan uu yahay bilow, islamarkaana dadkan ay u baahan yihiin gurmad intaan ka weyn.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in kaalin weyn uu ka qaatay gurmadkan maamulka gobolka Banaadir, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dadkan ay aad u dhibban yihiin.




From the comments