Wararka laga helayo deegaanno ka mid ah Puntland gaar ahaan deegaannada Xeebaha ah ayaa waxaa la sheegayaa in laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Roobab dabaylo wato oo duufaanno ah, kuwaasi oo gaysan kara khasaaro is kugu jira Naf iyo Maalba.
Agaasimaha Ha’adda Masiibooyinka Hadma ee Puntland Cabdullahi Xaashi Cayrow ayaa xaqiijiyay saadaasha Cabsida la xiriirta inay jiraan Roobab duufaanno wata oo ka dhici kara qaybo ka mida ah gobolka Bari
Mar uu arrimahaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “ Waa ay jirtaa roob dabeyl wata oo badda fadhiya, roobabka dabeylaha wato waxaa ay ka sameysmaan Badaha waxaa dhici kara in dabeyshaas roobka wato ay nagu soo dhufato”.




From the comments