Goobjoog

Duufaanta Ku Dhufatay Waqooyiga Soomaaliya Oo Kusii Jeeda Dalal Kale

Sida ay sheegeyso xafiiska Met oo ah xafiis fadhigiisu yahay Ingiriiska isla markaana qaabilsan saadaasha hawada waxaa uu sheegayaa in dufaanka maalmihii ugu dambeeyay ku dhufatay xeebaha Soomaaliya ay ku…

Duufaanta Ku Dhufatay Waqooyiga Soomaaliya Oo Kusii Jeeda Dalal Kale
This satellite image captured by NOAA on Saturday, Oct. 30, 2015 shows Tropical Cyclone Chapala, it nears the Arabian peninsula. Chapala is expected to make landfall over eastern Yemen between the late evening hours of Monday and early Tuesday. (NOAA via AP)

Sida ay sheegeyso xafiiska Met oo ah xafiis fadhigiisu yahay Ingiriiska isla markaana qaabilsan saadaasha hawada waxaa uu sheegayaa in dufaanka maalmihii ugu dambeeyay ku dhufatay xeebaha Soomaaliya ay ku sii jeedo dalalka Yemen iyo Cummaan.

Dhanka hey’adda  saadaasha hawada ee Pakistaan ama“Pakistan Metereological Department” waxaa ay sheegeen in duufaanta ay todobaadkan dabayaaqadiisa ay soo gaari-doonto Yemen iyo Cummaan balse aaney dhibaato u geysan-doonin dalka Pakistaan.

Sida ay wararka sheegayaan duufaanta oo ka soo bilaabatay jaziiradda Socotra waxaa ay sii xoogeysan-doonaa maanta ilaa Jimcaha, waxaana laga yaabaa inay gaarto dhul cusub iyo dalal kale.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments