Goobjoog

Somaliland: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Duufaanta

25 qof ayaa ku dhimatay 27 kalana waa la la’yahay roobabkii duufaanta watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay deegaanada xeebta – sida lagu sheegay war kasoo baxay…

Somaliland: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Duufaanta
This satellite image captured by NOAA on Saturday, Oct. 30, 2015 shows Tropical Cyclone Chapala, it nears the Arabian peninsula. Chapala is expected to make landfall over eastern Yemen between the late evening hours of Monday and early Tuesday. (NOAA via AP)

25 qof ayaa ku dhimatay 27 kalana waa la la’yahay roobabkii duufaanta watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay deegaanada xeebta – sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, 167,250 (Boqol lixdan iyo todoba kun laba boqol iyo konton) qoys ayay saameeyeen roobabkii duufaannada watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka da’ayay xeebaha Somaliland gaar ahaan deegaannada Saaxil, Salel, Awdal iyo Sanaag.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo la socda diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay dawladda Jabbuuti ayaa kormeer ku maraya deegaanada ay duufaantu ku dhufatay ee Galbeedka Somaliland.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments