Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in koox hubeysan oo ka tirsan Muslimiinta Rohingya ay geysteen xasuuq ka dhan ah dad aaminsan diinta Hunduuska kuwaasi oo ku nool Myanmar.
Hay’adda ayaa sheegtay in ciidamada badbaadinta Rohingya ay xasuuq ka geysteen gobolka Rakhine iyaga oo dilay dad gaaraya 99 qof oo haysta diinta Hundiiska dhacdadaan ayaa aheyd bishii August ee la soo dhaafay balse kooxda waa ay iska fogeysay eedeyntaas.
Xasuuqa ayaa waxaa uu dhacay maalmihii ugu horreeyay kacdoonkii looga soo horjeeday ciidamada Burmese kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay kaalin ku lahaayeen falal ka hor imaanayo bani’aadannimada.




From the comments