Wafdi ka socday dowladda Federaalka , UNOCHA iyo hey’ado kale ayaa isniintii booqday Beledwayne ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka taagan tahay dhibaato la xiriirta fatahaada wabiga Shabelle oo dad badan ay ku barakaceen.
Waxaa wafdigan horkacayey wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooynka ee dowladda federaalka ah iyo hey’adda UNOCHA oo horbodeysay ilaa iyo 7 qeybood oo hey’adaha bini’aadanimada qaramada midoobay hoostaga Sida: Cluster ama qeybta Cuntada, Caafimaadka, Nafaqada, Hoyga iyo Waxbarashada, waxaana markii ay halkaas gaareen kulamo la yeesheen hey’addaha gobolka ee iyo kuwa caalamiga ah ee gargaarka ka shaqeeya iyo sidoo kale Maamulka Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta wafdiga UNOCHA ayaa ujeedkooda waxa uu ahaa in ay soo qiimayaan xaalada Beledwayne halkaas oo ay ku barakaceen dad lagu qiyaasay 50.000 oo qof, waxaana ay warbixin ka dhageeysteen maamulka gobolka kaasoo sheegay in howlaha gargaarka ee la qabtay ay tahay ilaa hadda 40% taasoo ka dhigan dhibaatada musiibadu inay badan tahay.





From the comments