Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta qaaday dacwada rag lagu eedeeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood 2, raggan ayaa lagu sheegay Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule.
Eedeysanayasha ayaa ayaa Xafsiika xeer ilaalinta u qirtay in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen dilka, waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.
Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.




From the comments