Goobjoog

Somaliland: 31 Iskuul Ayay Duufaanta Sagar Dumisay

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in duufaanta Sagar dumisay 31 Iskuul oo ku yaallay deegaannada Somaliland. Waxaa la tilmaamay in ay tahay markii koowaad oo khasaare intaas le’eg uu…

Somaliland: 31 Iskuul Ayay Duufaanta Sagar Dumisay
This satellite image captured by NOAA on Saturday, Oct. 30, 2015 shows Tropical Cyclone Chapala, it nears the Arabian peninsula. Chapala is expected to make landfall over eastern Yemen between the late evening hours of Monday and early Tuesday. (NOAA via AP)

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in duufaanta Sagar dumisay 31 Iskuul oo ku yaallay deegaannada Somaliland.

Waxaa la tilmaamay in ay tahay markii koowaad oo khasaare intaas le’eg uu soo gaadho goobaha waxbarashada tan iyo 1991-kii.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray deegaannada Somaliland duufaanno roob watay kuwaasi oo geystay khasaare is kugu jira naf iyo maal.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay duufaannadaas 25 qof,halka 27 kalana la la’yahay roobabkii duufaanta watay ee  maalmihii u dambeeyay ka da’ayay deegaanada xeebta  sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale, 167,250 (Boqol lixdan iyo todoba kun laba boqol iyo konton) qoys ayay saameeyeen roobabkii duufaannada watay ee  maalmihii  u dambeeyay ka da’ayay xeebaha Somaliland gaar ahaan deegaannada Saaxil, Salel, Awdal iyo Sanaag.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments