Munaasabad ka dhacday Villa Hargeisa, oo ay goobjoog ka ahaayeen Maxamed Mursal Sheekh guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku-xigeenka ra’isul wasaaraha Mahdi Maxamed Guueed Khadar ayaa la sheegayaa in lagu dhaariyay koox wasiirro ah uu dhowaan magacaabay ra’isul wasaare Xasan Kheyre.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa dhaariay wasiirrada cusub si ay u bilaabaan la wareegidda xafiisyadooda si dhaqsa ahana u guda galaan shaqooyinka laga sugaayo in ay qabtaan.
Xubnaha maanta la dhaariyay oo isugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal ayaa masuuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.




From the comments