Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, islamarkaana doonayey in walxo qarxa ku aaso magaalada Kismaayo.
Taliyaha ciidamada dambi baarista Jubbaland, Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shaqsigan oo lagu magacaabo C/fitaax Xaashi Cabdi uu ka mid yahay Al-shabaab, lalana soo qabtay walxaha qarxa.
Waxa uu tilmaamay inuu damacsanaa in walxahan qarxa lagu dhibaateeyo shacabka Jubbaland inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.




From the comments