Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda ugu sarreysa Galmudug in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si looga wadahadlo khilaafka jira.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay khilaafkan.
Dowladda federaalka ayuu sheegay iney wadday dedaal badan oo ku aadan sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka, balse Labadii dinac ay magaalada Muqdisho ka tageen iyadoo aan wadahadalka dhammaan.




From the comments