Somaliland ayaa sheegtay iney hooyadiis ku wareejisay wiil 14 snao jir ah, kaasi oo ka mid ahaa ciidamada Puntland, islamarkaana lagu qabtay dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Nuux Ismaaciil oo ah taliyaha ciidamada Somaliland ayaa isaga oo saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in wiilkan lagu soo qalday dagaallada, islamarkaan ay sii daayeen.
Waxa uu sheegay taliyaha in wiilkan ay la wareegtay hooyadiis oo lagu magacaabo Sacdiya Cabdi Maxamuud.




From the comments