Dowladda Qatar ayaa mamnuucday in badeecadaha laga keeno dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar lagu iibiyo Suuqyada iyo goobaha ganacsi ee Qatar.
Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysay oo Qatar ay qaado tan iyo markii ay go’doomiyeen qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Qatar war-murtiyeed ay soo saartay ayaa ganacsatada loogu sheegay in dhammaan badeecadaha Afarta dowladood laga saaro Suuqyada Qatar islamarkaasna waxa soo-saarkooda aan la soo gelin Karin gudaha dalka.




From the comments