Guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka K/galbeed Abukaate Axmed Cali Muuse ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay iney deegaanada maamulkaan qaar ay ka jirto baahi garsoor.
Waxa uu tilmaamay in deegaannada qaar aanu ka talin maamulkaan, dadka ku dhaqanna u baahan yihiin iney helaan garsoor.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaan uu ka shaqeeyo garsoorka, wallow uu tilmaamay iney dhaliilo yimaadaan mararka qaar.




From the comments