Dhinacyada Libya ee tartamaya ayaa ku heshiiyey in la qabto doorashooyinka madaxtinimo iyo midda Baarlamaaniga ah bisha December ee soo socota.
Sida ay ku soo saareen war-murtiyeed afar wafuud ah oo ka qeyb-galay kulanka ay marti-gelisay Paris ee caasimadda Faransiiska, waxaa lagu heshiiyey in la dajiyo asaaska dastuurka doorashooyinka iyo sharciyada la xiriirka inta lagu guda jiro bartamaha bisha September ee soo socota.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid Taariikhi ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay tahay tallaabo asaasi ah oo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta.




From the comments