Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxda Dalkaasi.
Mudane Amb. Ahmed Isse Awad waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee laba dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo seddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka.




From the comments