Waxaa magaalada Mombasa ee Dalka Kenya lagu soo gebagebeeyey tababar ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka, urur goboleedka IGAD iyo bankiga aduunka kaasoo lagu baranayo qiimeynta iyo ka soo kabashada musiibooyinka.
Tababarkan oo soconayey mudo 5 maalin ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa khibrada iyo aqoonta loo leeyahay sida loo qiimeyo marka ay dhacaan musiibooyin iyo sida looga soo kabto. Soomaaliya waxaa ka dhaca musiibooyin dabiici ah sida Abaaraha, Dabeylo iyo fatahaada webiyada.
Waxaa tababarkan ka qeyb galay 40 qof oo kala socda wasaaradaha kala duwan ee Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’adaha maxaliga ah.




From the comments