Goobjoog

COP31: Qorshaha Cimilada Soomaaliya Ma Heli Doonaa Maalgelin Dhab Ah?

ANTALYA (Goobjoog News) — Soomaaliya ayaa shirka COP31 ku soo bandhigaysa Qorshaha Qaran ee Wax-ka-qabadka Isbeddelka Cimilada 2025–2030, kaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta abaaraha, fatahaadaha, barakaca, cunto-yarida…

COP31: Qorshaha Cimilada Soomaaliya Ma Heli Doonaa Maalgelin Dhab Ah?

ANTALYA (Goobjoog News) — Soomaaliya ayaa shirka COP31 ku soo bandhigaysa Qorshaha Qaran ee Wax-ka-qabadka Isbeddelka Cimilada 2025–2030, kaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta abaaraha, fatahaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khilaafaadka ka dhasha loollanka biyaha iyo dhulka.

Fulinta qorshahan waxaa lagu qiyaasay ku dhowaad $5.5 bilyan ilaa 2030, halka NDC 3.0 uu raadinayo $11.1 bilyan oo maalgelin caalami ah ilaa 2035.

Soomaaliya waxay sidoo kale doonaysaa inay sannad kasta hesho ugu yaraan $1 bilyan oo lagu fuliyo qorshayaasha la-qabsiga iyo dhimista qiiqa. Lacagahan weli waa baahi la soo bandhigay, mana aha maalgelin la xaqiijiyey.

Mashaariicda mudnaanta leh waxaa ka mid ah waraabka iyo beeraha u adkeysan kara cimilada, maaraynta biyaha iyo daaqa, tamarta qoraxda, kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha, waddooyinka u adkeysan kara fatahaadaha iyo nidaamyada digniinta hore.

Waxaa kale oo qorshuhu xusayaa xarumo adkeysi bulsho, xogta halista cimilada ee degmooyinka iyo kooxo gurmad oo laga sameeyo dowlad-goboleed kasta.

Hase yeeshee, weli si cad looma shaacin mashaariicda gaartay heer ay maalgeliyeyaashu isla markiiba dhaqaale gelin karaan.

Mashruuc diyaar u ah maalgashi waa inuu leeyahay goob, kharash faahfaahsan, daraasad suurtagalnimo, hay’ad fulinaysa iyo jadwal. Qorshaha NDC 3.0 ee la soo bandhigayo 12-ka Nofeembar ayaa laga sugayaa inuu faahfaahiyo arrimahaas.

Maalgelinta waxaa laga raadinayaa Green Climate Fund, Adaptation Fund, bangiyada horumarinta, dowladaha saaxiibka ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxaa kale oo la qorsheynayaa iskaashi dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, suuqyada kaarboonka iyo maalgelinta qurbo-joogta. Laakiin weli lama shaacin cid qaadatay maalgelinta qorshaha ama lacag cayiman oo la ballanqaaday.

Sidoo kale, lama soo bandhigin dowlad-goboleedyada iyo degmooyinka wajiga koowaad ka faa’iidaysanaya, qaabka lacagta loo qaybinayo iyo tirada dadka la beegsanayo. Caddeynta arrintan waxay muhiim u tahay in dhaqaaluhu gaaro meelaha ay abaaraha, fatahaadaha, barakaca iyo cunto-yaridu sida daran u saameeyeen.

Qorshuhu wuxuu dejiyey bartilmaameedyo ay ka mid yihiin in Hay’adda Saadaasha Hawada la hawlgeliyo 2027, shabakadaha cabbirka cimiladana la gaarsiiyo dhammaan dowlad-goboleedyada 2028. Waxaa sidoo kale la qorsheeyey warbixinno sannadle ah, balse weli lama cayimin goorta warbixinta koowaad la soo saarayo iyo halka dadweynuhu ka heli karo xogta maalgelinta iyo natiijooyinka.

Kulamada laba-geesoodka ah ee dhacay waxaa ka mid ahaa kulan Soomaaliya iyo Qatar kaga wada hadleen iskaashiga deegaanka iyo dhammaystirka heshiis is-afgarad. Hase yeeshee, lama shaacin heshiis la saxiixay ama lacag Qatar ballanqaadday. Sidaas darteed, guusha Soomaaliya ee COP31 waxaa lagu qiimeyn doonaa maalgelinta la xaqiijiyo, mashaariicda la fuliyo iyo deegaannada ay natiijooyinku gaaraan—ee laguma cabbiri doono shirarka iyo qorshayaasha la soo bandhigo oo keliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments